Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DEG DEG: Senator ka tirsan Aqalka Sare oo ka bad baaday isku day Dil

Muqdisho-( Rajonews )-Senator Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan Senatorada aqalka sare ee Baarlamanka Somalia ayaa goor dhow ka bad baaday qarax la doonayey in lagu qaarajiyo.

Qaraxan oo loo adeegsaday miino ayaa lala eegtay Gaariga Dr. Dufle oo marayey xaafada Taleex ee degmada Hodan xili uu sii geli rabay xarun caafimaad oo uu halkaas ku leeyahay.

Goob joogeyaal ayaa inoo sheegay in qaraxa la geliyey goob uu dhisme ka socday oo ka soo horjeeda isbitaalka taqasusiga ah ee Dr. Dufle, wuxuuna dhacay markii uu halkaas soo gaaray gaariga Senator Dufle oo galayey isbitaalka.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas oo ahaa mid aan sidaa u weyneyn ay ka bad baadeen Prof. Dufle iyo ilaalo la socotay, lamana sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay marka laga reebo burbur soo gaaray qeybta hore ee gaarigiisa.

Xiriiro kala duwan oo aanu la sameynay Prof. Dufle ayeysan inoo suuragelin inaanu helno, hase ahaatee Howlwadeeno ka tirsan isbitaalkiisa ayaa inoo sheegay in dhaqtarka xaaladiisiu ay wanaagsan tahay, uuna ku guda jiro howlihiisa caadiga ah ee Viisitada bukaanada saaka booqday isbitaalkiisa.

Prof. Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa horey uga badbaaday qaraxii ka dhacay hotel Shamow 3-dii Disembar sanadkii 2009-kii kaasoo ay ku dhinteen wasiiro, iyo dad kale oo fara badan, wuxuuna ka mid ahaa xildhibaanadii baarlamankii hore ee Somalia, dhowaana waxaa loo doortay Senator ka tirsan aqalka sare.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement