Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo goor dhow si rasmi ah ula wareegay Xafiiska

Muqdisho-(Rajonews )-Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa goordhaw xilka si rasmi ah ugala wareegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Villa Soomaaliya.

Munaasabada xil wareejinta waxaa ku sugnaa masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya kuwaa oo goob joog ka ahaa munaasabada xil wareejinta , waxaana Madaxtooyada si rasmi ah ula wareegay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wareejiyay Madaxweynaha cusub agabyo kala duwan ay ku jiraan hadiyo qaali ah oo isugu jira dahab, qalin iyo maar kuwaa oo hadiyad ahaan uga soo helay Madax iyo wadamo kala duwan.

Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasbada ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu xilka ku wareejiyo Madaxweynaha la doortay, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay cagta saartay dimuquraadiyad iyo isbadal muuqda.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo ayaa u mahad celiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dowlada cudsub ee Soomaaliya ay tahay mid shacab , waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan dowlada cusub.

Farmaajo oo loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya 8-dii bishan Febraayo ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, waxaana la filayaa in uu dhawaan magacaabo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement