Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DEG DEG: Madaafiic lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

Muqdisho-( Rajonews )-Waxaa goordhaw tiro madaafiic ah ay kusoo dhaceen xaafado kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana madaafiicdan ay ahaayeen kuwa si xoogan looga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku heleyno madaafiicdan ayaa ku dhacday qeybo kamid ah Degmada Wardhiigley gaar ahaan xaafado ku dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, lamana oga in madaafiicda qaarkood ay gudaha ugu dhaceen Madaxtooyada.

Madaafiicda goordhaw lagu garaacay Xarunta Madxatooyada Soomaaliya ayaa gaarayay ilaa 4 madfac, lama oga goobaha rasmiga ah ay ku dhaceen iyo waliba qasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

Madaafiicdan lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili saacad kahor uu xilka si rasmi ah ula wareegay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Villa Soomaaliya.,

Waa markii ugu horeesay oo Madaafiic lagu soo garaaco magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada tan iyo markii xilka Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Mdaxaweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement