Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DEG DEG: Maamulka Soomaaliland oo Xabsiga dhigay Wariye C/maali Coldoon

Hargeysa-( Rajonews )-Wararka aan ka heleyno magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in maanta garoon Diyaaradaha Cigaal lagu xiray Wariye Cabdi Maalik Coldoon oo kamid ah Wariyaasha Soomaaliyeed kuwooda ugu caansam.

Wariyaha ayaa la xiray kadib markii Diyaarad uu ka raacay magaalada Muqdisho ay ka degtay magaalada Hargeysa, waxaana Wariyaha xiray garoonkana ka kaxeestay ciidamo katirsan maamulka Somaliland oo horey ula sii socday imaanshihiisa.

Wali si rasmi ah looma oga sababta loo xiray Wariye Coldoon oo ah Wariye degan magaalada Burco, waxa uuna Wariyahan mudooyinkii ugu dambeeyay howlo shaqo u joogay magaalada Muqdisho ay ka soceeen doorasho.

Wariye Coldoon ayaa la kulmay intii uu Muqdisho joogay siyaasiyiin iyo Madax uu ku jiro Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna muuqaalo ka sameeyay doorashadii uu ku guuleestay Madaxweyne Farmaajo , waxa uuna duubay Muuqaalo uu ku weeneynayay guusha Farmaajo

Maamulka Somaliland ayaa marar badan sidan oo kale xabsiga u dhigay Wariye Coldoon iyo Wariyaal kale oo ka howlaga deegaanada Somaliland, waxaana maamulka Hargeysa uu caburin ku hayaa sxaaafada madaxa banaan ee ka howl gasha Deegaanada Somaliland.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement