Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DEG DEG: G/ Kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug oo loo diiday inuu ka dego Cadaado

Cadaado-( Rajonews )-Wararka aan ka heleyno Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Galmudug Soomaaliya ayaa sheegaya in Wafdi uu Hogaaminayay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo ka duulay Garoonka Aadan Cadde loo diiday in ay ka degaan Garoonka Cadaado,waxaana Diyaaradii waday ay dib ugu soo laabatay Muqdisho.

Xildhibaanno ka tirsan Galmudug ayaa Noo Xaqiijiyay in Ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda ay Diideen in Guddoomiye Xareed uu ka soo dego Garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado,waxaana sidoo kale jirta in Xildhibaanno ka tirsan Galmudug oo Cadaado ku sugan loo diiday iyaguna in ay galaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado, si ay u soo dhaweeyaan wafdiga Gudoomiyaha.

Weli ma jirto wax War ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ammaanka Galmudug oo ku aadan Wafdiga loo diiday in ay Maanta tagaan Magaalada Cadaado oo Galmudug Caasimad KMG u ah.

Magaalada Cadaado waxaa ka taagan siyaasado is khilaafsan , kuwaasoo u dhexeeya Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxtooyada Maamulkaasi iyadoo dhawaan xildhibaano ka tirsan maamulkaasi ay xilkii ka qaadeen Hogaamiyaha maamulkaas C/kariin Guuleed.

Lasoco warar dheeraad ah Insha Allaah

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement