Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo

Ceelwaaq-( Rajonews )-Dagaal hubka la isku adeegsaday Hubka Culus ayaa waxaa uu Ciidanka Militariga Kenya iyo Ururka Al Shabaab, uu ku dhex maray inta u dhaxeyso Degmada Ceelwaaq iyo Degaanka Buusaar ee Gobolka Gedo.

Dagaalkan, ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii kolonyo ay la socdeen Ciidanka Kenya, ay Shabaabku ku weerareen degaanka Booco.

Booco ayaa 15km u jirtaa Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, halka 25km ay u jirto Deegaanka Buusaar.

Sarkaal Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan, ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidanka Kenya ee la weeraray, ay sahay ka soo qaadeen Degaanka Ceelwaaq Kenya, ayna u wadeen Ciidanka Kenya ee saldhiga ku leh Degaanka Buusaar.

Xoogaga Al Shabaab, ayaa maalmahaan kordhiyay dagaalka ay kula jiraan Ciidanka Kenya, ee qaybta ka ah Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement