Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Dagaal culus oo ka dhacay inta u dhexeysa Afgooye iyo Wanlaweyn

Afgooye-( Rajonews )-Wararka aan saaka ka heleyno deegaano ka trirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay deegaano u dhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn.

 

Dagaalkan oo bilowday xalay saqdii Dhexe bilowday ayaa illaa saaka subaxdii ka socda deegaanada Tixsiile iyo War-maxan oo ay saldhig ku lahaayeen Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanadaas, waxaana jira ciidamo ka tirsan milateriga oo gurmad ahaan u aaday deegaanadaas jidka loo galay.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dagaalka uu wali ka socdo deegaankaas, isla markaana ay dib ka faah faahin doonaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay jiraan askar ka tirsan ciidanka Milateriga oo lagu dilay dagaalka, balse si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaaladan.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay weerarada ay ku qaadayeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement