Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Dadka ka dhoofaya Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo lagu kordhiyay Lacag dheeraad ah

Muqdisho-( Rajonews )-Waxaa lacago dheeri ah lagu soo rogay dadka ka dhoofaya Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen howlwadeenada garoonka diyaaradaha.

Maareeyaha garoonka Aadan Cadde Cabdi Ashkir Jaamac ayaa warbaaahinta u sheegay arintan, waxaana uu intaa ku darray in lacago dheeri ah lagu soo rogay dadka ka dhoofaya garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale  Cabdi Ashkir Jaamac maareeyaha garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay sababta arrintan loo sameeyay in ay tahay sidii lacago loogu uruurin lahaa dadka ay Abaaraha saameeyeen.

Waxaa uu sheegay in dadka ka dhoofaya Garoonka Aadan Cadde una socdaalaya gobalada dalka laga qaadayo lacag dhan 5 Dollar, halka dadka kale ee u safraya meel dalka ka baxsan laga qaadayo 10 Dollar, waxaana arrintan ay socon doontaa mudo 3 bilood ah.

Ugu danbeyntii, abaaraha ka jira dalka ayaa waxa ay yihiin kuwo aad u daran, waxaana dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ay wadaan dadaalo dadkan loogu gurmanayo.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement