Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Dabkaa ba’ Madaxweynow haddii habaar qabe kasta uu yahay musharax Madaxweyne..!

Muqdisho-( Rajonews )-Isma jecla, xaasid ayay isku yihiin, qayaano ayaa ka dhaxeysa, waa isma dhaanto aan tiro yareyn, waa 24-musharax, mid kasta wuxuu ku seexdaa kuna soo toosaa sidii uu isaga kaligiis u guuleysan lahaa, hadalo u badan faan, eed iyo aflagaado ayay si xishood la’aan ah saxaafadda isugu mariyaan, run iyo been waxii ay ku riyoodaan ayay shacbiga ku cabaan, waa ma-naxayaal tooda mooye aan mid kale u muuqan.

Wadani ayay iska dhigaan, daacad ayay isu muujiyaan, danta dalka, dadka iyo diinta inay ka shaqeynayaan ayay ku khudbeeyaan, caddaalad iyo horumar inay u hawl galayaan ayay ku dhaartaan, balanqaadyadaasi intooda badan meel cidla’ ah ayaa looga dhaqaaqaa, doorashada ayaa lagu gala hadalada soo jiidashada leh balse aan la fulin doonin.

Musharax walba dan gaar ah ayuu ka leeyahay musharaxnimadiisa, qaar waxay xiisaynayaan inay taariiqda u gasho, qaar waxay ku fekerayaan haddii uu isbadal dhaco in dawladda dhalan doonto laga siiyo jagooyin waa-weyn, halka kuwa kalana ay musharaxnimadooda ay ka tahay boos celis siyaasadeed, wey kooban yihiin akhyaarta ay dhab ka tahay sidii ay Madaxweyne u noqon lahaayeen.
Ma duceysna, musharax kasta EED iyo DAMBIYO ayuu Wadanka ka galay, Xasan Sheikh waxaa lagu eedeeyaa caddalad-daro, musuq, horumar la’aan iyo inuu ka amar qaato Dawladda Itobiya, Sheikh Shariif, Cumar Cabdi rashiid iyo Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur waxaa loo haystaa inay muran galiyeen badda Soomaaliya, Farmaajo waxaa lagu xantaa inuu yahay daneyste dadka iyo dalka ka carara haddii doorshada looga guuleysto, halka inta kalana ay isugu jiraan dagaal oogayaal hore, dulaaliin malxiis u ah musharaxiinta jeeniga weyn iyo qurbe joogayaal uu shisheeye ku daaban yahay, nadiif ayuu isu haystaa musharax kasta balse wuxuu gaystey arimo lid ku ah Qaranimada Soomaaliya.

Tuugsi ku aadan sidii ay codka uga heli lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka ayay mashquul ku yihiin, codka i-siiya, codka i-siiya ayuu musharax walba si jileec ah uga baryaya Mudanayaasha labadda aqal ee Federaalka, hadafkoodu waa sasabasho, geed dheer iyo mid gaaban ayay u saaran yihiin sidii loo dooran lahaa, ma hurdaan, ma hoydaan, ma hergalaan, har iyo habeen waa soo jeedaan, daal iyo dhafar siyaasadeed ayaa ka muuqda, qorshahoodu wuxuu yahay dhib kasta oo ay hadda maraan inay beri ka bogsan doonaan.

Ma sahlana in la noqdo Madaxweyne, ruux kastana ma noqon karo, aqoon, karti, biseyl siyaasadeed, saafinimo, waaya aragnimo, mamul aqoon, hab dhaqan suuban, deganaan, daacadnimo, hufnaan iwm ayaa looga baahan yahay xariifka doonaya inuu noqdo madaxweyne, adduunka laguma deg-dego jagada madaxweynaha, hase yeeshee Soomaaliya cid kasta ayaa ku haminaysa inay Madaxweyne noqoto, sababtuna waa sidii loo maaleysan lahaa, dadka loo caburin lahaa, waxii la doonana loo sameyn lahaa.

Sharaftii iyo hab maamuskii uu lahaa Madaxweyne waa lagu cayaarey, nin aan u qalmin, mid ma gudbe ah iyo jaalayaal aan buuxin Karin sifooyinka Madaxweyne lagu noqdo ayaa haatan u sharaxan xilkaasi, waa ayaan daro in habar walba ay tiraahdo musharax Madaxweyne ayaan ahay, dalka baahi uma qabo inay hal jago u loolaman 24-musharax, aragti ahaan waxaa la mooda in la isku dheelayo meelna looga dhacay qadarintii uu lahaa Madaxweyne.
“Dabkaa ba’ Madaxweynoow, haddii habaar qabe walba oo aan aqaano ama aan maqlay uu leeyahay musharax ayaan ahay” ayuu yiri odey Soomaaliyeed oo ay ka badatey hebel waa musharax, hebel kalana waa musharax iyo hebloow waa musharax.

8-da Febraayo ayaa lagu madlan yahay in lagu kala baxo loolanka loogu jiro hanashada madaxtinimda Soomaaliya, musharaxiinta is haysa ayaa midkood noqon doono Madaxweynaha soo socda, allow amuuraha sahal, xariifkii uu nasiibkiisa u ogolaado ayaa loo cimaamadi doonaa hogaamiyaha Wadanka ee 2017-2020-ka.

C/llaahi Xasan Axmed (Shiikhaalow)
Muqdisho, Somalia

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement