Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DAAWO SAWIRADA: Magaalada Muqdisho oo gashay Maalmo Bandow ah iyo wadooyinka oo

Muqdisho-( Rajonews )-Magaalada Muqdisho ayaa gashay labo maalin oo bandaw ah oo aan wax isu socod iyo dhaqdhaqaaq ganacsi ka jirin doonin meelaha qaar, kaddib markii ay bilaabatay diyaar garowga doorashada Madaxweynaha oo lagu wado in maalinta berri ay dhacdo.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo si isku mid ah xaafadaha magaalada u saameysay howl galada amni sugid ee ka socda.

Ciidamo kala duwan ayaa la dhigay jidadka waa weyn ee magaalada, iyadoo meelaha qaar lagu gooyay dhagxaan iyo ciid, waxaana magaalada qeybo ka mid ah u ekaatay goob dagaal oo dhufeyso leh.

Waddooyinka Maka Al-Mukarama, Wadnaha iyo kuwa kale ayaa saaka wax gaadiid isticmaaleyn, waxaana isgoysyada taagan ciidamo kala duwan.

Isu socodka dadka ayaa ahaa mid caadi ah, waxaana ay maalayeen lugahooda, dad badan ayaa la arkayay iyagoo u lugeynaya goobahooda shaqo sida Suuqa Bakaaraha.

Gaadiidkii ka baxayay magaalada iyo kuwii soo galayay ayaa la joojiyay, waxaana arrintan saameyn ay ku yeelatay qudaartii iyo xoolihii magaalada la soo gelinyay.

Dadweynaha ayaa sii adeegtay oo qaarkood hilib ayay u sii iibsadeen maalinta berri oo laga yaabo inay dhacdo hilib la’aan.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement