Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DAAWO SAWIRADA: Banaanbaxyadii xalay ka dhacay xaafadaha Muqdisho

Muqdisho-( Rajonews )-Dabaaldegyo waaweyn oo lagu soo dhoweyayey doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa illaa saqdii dhexe ka socday caasimada Somalia magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka ka mid ah.

Rasaas xooggan oo magaalada gees ka gees isqabsatay ayaa hawada loo ridayay taasoo qeyb ka aheyd dabaaldega, iyadoo dadweyne aad u fara badan ay isugu soo baxeen caawa wadooyinka waaweyn ee magaalada.

Dadka isugu soo baxay jidadka oo sida daadkii oo kale u qulqulayey ayaa waxaa wejiyadooda ka muuqata farxad aan qiyaas laheyn iyagoo ku qeylinaya magaca Farmaajo, waxaana aad u kacay xaalada magaalada.

Waxaa sidoo kale la arkayey shacab iyo ciidan is dhexgalay oo si wadajir ah u dabaaldegaya, dadweyne fara baddana ayaana dul fuulayey gaadiidka ciidamada, mana jirin wax kala shaki ah, waxaana dadka tan badisay farxada iyo qiirada heysay xaalada ka dhigtay mid jahwareersan.











Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement