Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

DAAWO: Jaaliyada Khaatuma ee gobolka Ohio oo u dabaal dagay sanadguuradii 5aad

USA-(Rajonews) Jaaliyada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobolada Sool Sanaag iyo Cayn ee Maamulka Khaatumo ayaa habaynimadii xalay u dabaaldagay sanadguuradii  5aad ee Mamulka Khaatumo State of Somalia.

Waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin iyo wasiiro ka tirsan Khaatumo State Of Somalia iyo dad weyne aad u badan oo reer Columbus ah iyada oo ay ka Heesayeen Fanaaniin Soomaaliyeed oo ay ka mid ahayeen Boqol, Hodan C/rixman, Safiyo Tusmo iyo kuwo kale oo badan.

Masuuliyiintii ka socday Khaatumo ayaa xusay ahmiyada midnimada Soomaaliya u leedahay qaranimada, iyo in la helo hanaan dowladeed oo cadaalad ku salaysan iyada oo laga fikirayo qaladaad si shaqsi ah loo galo in aysan dhicin isla markaana la raadiyo jiritaankii Soomaali mid ah.

Waxay aad walaac uga muujiyeen hanaanka Dhismaha maamulada dalka oo aysan dowladii xiligeedu dhamaaday si cadaalad ah uga shaqeyn dhamaystirka Maamulo ku dhisan Awooda shacabka iyo deegaanka.

Xaalada Abaaraha dalka ka jira ayay xuseen in ay tahay mid aad u daran una bahan gurmad qaran iyo mid Caalami ah, iyaga oo Alle uga baryay in uu dadka Abaaraha ka saaro oo uu Madar qeyr qaba siiyo.

Xaflada oo laga qaaday Heeso Wadani ah, Gabayo, iyo sugaan kala gadisan waxay ahayd mid aad u soo jiidatay ka soo qeybgalayaasha.

Bashir Tajir & Deeqo SONNA

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement