Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

C/llaahi Daanyeerow “2011 ayaa aniga i shaaray in Farmaajo la dooran doono”

Muqdisho-( Rajonews )-C/llaahi Maxamuud Cusmaan oo loo yaqaano Daanyeerow oo ahaa ninkii ay ku caan baxay eraygii Ar Farmaaja ii geeya ayaa ka hadlay kulan uu la qaatay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo sheegay inay u rumowday riyadiisa aheyd inuu la kulmo.

 

Wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la kulmo Madaxweynaha cusub, isagoo tilmaamay inuu muddo taageero u ahaa, horayna ugu ishaaray in la dooran doono,

“Aniga 2011 ayaa ninkaan ishaaray in la dooran doono, labo rakco oo sunno ayaa u dukanayay, balantii alle waa u dhaliyay, hadana waa la doortay, waa ku faraxsanahay inaan la kulmo,”ayuu yiri C/llaahi Daanyeerow.

Waxaa uu sheegay markii uu la kulmay ay isla hadleen, isla markaana u mahad celiyay, waxaa uu xusay inuu u sheegay in dalka iyo dadka, iyo diinta inuu difaaco, allena kula garab galo xilka lagu doortay.

C/llaahi daanyeerow ayaa sheegay inuu si qiiro leh horay ugu dhawaaqay erayo dad badan soo jiitay, oo caan baxay, kaasoo ahaa AR FARMAAJO II GEEYA,.

Mar la weydiiyay wax codsi ah oo uu Madaxweynaha u jeediyay, ayuu sheegay in wax codsi ah ka wada hadlin, balse mar kale ay kulmi doonaan, balse habeenkii uu ku dhawaaqayay eraygaas AR FARMAAJO II GEEYA ay aheyd mid farxada ka bataya.

Waxaa uu sheegay inuu yahay nin xoogsato ah oo beeraley ah, 5 carruur leeyahay, sidoo kalena uu korinayo carruur agoon ah oo uu aabihii uga dhintay, sida uu yiri.

C/llaahi Daanyeerow ayaa ka soo jeeda magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa uu sheegay inuu alle ka rajeynayo in dowladda cusub ay dadkeeda wax u qabato.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement