Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Ciidamadii ugu badnaa oo Saaka lagu soo daadiyay Muqdisho iyo wadooyinka …

Muqdisho-( Rajonews )-Waxaa Saaka Xiran gabi ahaan isku socodka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,iyadoo Wadooyinka la dhigay Ciidamada Ammaanka oo si weyn  Amniga u Xaqiijinaya.

Ma jirto Goobo Ganacsi iyo Goobo Waxbarasho oo Saakay Furan,waxaana Wadooyinka qaar lagu arkayaa Dad Teel-teel ah oo ku lugeynaya Wadooyinka magaalada.

Saameynta ugu badan Waxaa laga dareemayaa Wadada Maka Al-mukarama iyo Wadooyinka ka baxa KM-4 ee kala aada Garoonka Diyaaradaha iyo Waabari,iyadoo Xitaa aan loo ogoleyn in Dadku ay lug ku maraan goobahaasi, waxaana loo ogol yahay Gaadiidka Dowlada iyo madaxda kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa amar ka soo baxay waxaa lagu sheegay in Magaalada Muqdisho la Xiri doono Maalmaha kala ah Talaadada iyo Arbacada oo Berri ah Dalkana la filayo in ay ka dhacdo Doorasho Madaxweynaha Soomaaliya, taasoo ay indhaha ku hayaan Umada Soomaaiyeed.

Amarkaas waxaa uu dhaqan galay Gabal dhicii Shalay oo Bandowga Magaalada lagu soo rogay uu biloowday, iyadoo Bulshada ay horay uga sii adeegteen magaalada.

Sidoo kale Xukumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Berri aysan jiri doonin Wax Duulimaad ah oo ka baxaya Garoonka diyaaradaha aadan Cadde ama imaanaya Sababo la xariira halka lagu qabanayo Doorashada oo u dhaw garoonka Muqdisho.

8-February oo ah Berri waxaa la wada sugayaa Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo in ka badam 6 jeer horay uu dib u dhac ugu yimid.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement