Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Ciidamada Galmudug oo u ruqaansaday degmada Xarardheere

Cadaado-( Rajonews )-Ciidamada Maamulka Galmudug oo kaashanaya kuwa Kumaandooska Soomaaliya ayaa qaaday Duulaan ka dhan ah Degmada Xaradheere oo ay gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab.

Ciidamada Galmudug ayaa la sheegay saacadihii ugu dambeeyay in ay ka ruqaansadeen Degaanka Camaara ee Gobolka Mudug, waxayna u jiheesteen dhanka Degmada Xaradheere oo ay Shabaab maamulaan.

Hawada Degaanka Camaara iyo Degaanada ku dhow dhow ayaa waxaa ku dul heehaabaya Diyaarado Dagaal oo joog hoose ku socda.

Al-shabaab ayaa dhankooda dhaq dhaqaaq Ciidan waxa ay ka wadaan Degmada Xaradheere, halkaasi oo ay doonayaan in ay ka difaacdaan Ciidamada ku soo wajahan.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug oo la hadlay Risaala ayaa waxa ay sheegeen in aysan bixin karin macluumaadka la xiriira dhaq dhaqaaqa Ciidanka ay wadaan, balse qorshaha uu yahay Ciidanka in ay la wareegaan gacan ku heynta Xaradheere.

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed ayaa dhinaciisa sheegay in Ciidanka Howlgalka ay u dhaqaaqeen, balse aysan bixineyn macluumaad ilaa natiijo rasmi ah Ciidanka ay ka soo hooyaan.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement