Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Bashiir Ciise ” Sanadkan gudihiisa ayaa soo daabici doonaan lacago shiling Soomaali ah ”

Muqdisho-( Rajonews )-Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise ayaa sheegay in sanadkan la soo daabacyo lacago Shiling Soomaali ah, isagoo sheegay in muddo labo sano ay daraasad ku sameynayeen daabacada lacag shiling Soomaali ah.

 

Gudoomiye Bashiir Ciise ayaa sheegaya in qiimaha ku baxaya dabaacada lacago shiling Soomaali ah, ay bixinayaan Deeq bixiyeyaasha caalamka.

“Sanadkan gudihiisa ayaa soo daabici doonaan lacago shiling Soomaali ah, arrintan waxaa soo wadnay labo sano daraasad ayaa ku sameyneynay”ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo la hadlayay Idaacada VOA.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shirka ka dhici doono London looga hadli doono sidii dee bixiyeyaasha caalamka ay dhaqaale ugu bixin lahaayeen soo daabicida lacagaha shiling Soomaaliya.

Qiimaha shiling Soomaaliya ayaa sare u kacay labadii maalmood ee la soo dhaafay, kaddib markii uu hoos u dhac ku yimid sarifka dollarka.

Illaa iyo hada sarifka dollarka ayaa wali fadhin, iyadoo aan maciishada waxba iska bedelin, waxaana $1 dollar saaka la sarifayay lacag dhan 20,000 shiling Soomaali ah.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement