Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Banaanbax ka dhan ah Shirkada Albeyrak oo Muqdisho ka socda

Muqdisho-( Rajonews )-Kumanaan ruux oo ah xoogsatadii horay looga eryay Dekeda Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku banaan baxayay afaafka hore ee Dekeda, iyagoo ku qeylinaya halku dhigyo ka dhan ah Shirkada Albeyrak ee laga leeyahay dalka Turkiga.

 

Shirkaddan ayaa labo sano ka hor lagu wareejiyay maamulka Dekeda Muqdisho, iyadoo boqolaal xoogsato ka xamaalan jirtay Dekeda ka eriday.

Banaan baxayaasha ayaa wata sawirka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyagoo ka dalbanaya inuu wax u qabto, isla markaana shirkada Albeyrak laga saaro dalka ama wax ka badal lagu sameeyo qaabka ay u shaqeyso.

Dowladda Federaalka ayaa labo sano ka hor ku wareejisay Dekeda Muqdisho shirkada Albeyrak, iyadoo shirkadan ku soo kordhisay Dekeda adeegyo kala duwan oo lagu horumariyay Dekeda.

Garoonka diyaaradaha iyo Dekeda Muqdisho ayaa ah labo il ee ay dowladda dhaqaalaha ka hesho, waxaana maamulkooda gacanta ku haya shirkado laga leeyahay dalka Turkiga.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement