Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Banaanbax balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo + SAWIRO

Kismaayo-( Rajonews )-Banaanbax ay soo qaban qaabiyeen qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Kismaayo ayaa maanta ka dhacay magaaladaasi, iyadoo banaanbaxan lagu taageerayay guusha Taariikhiga ah ee ay sameeyeen Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, taasoo lagu doortay Hogaamiyaha Qarniga ee Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, kaasoo noqday Hogaamiyaha kaliya ee Mideeyay Shucuubta Soomaaliyeed.

Dadkan oo ka koobnaa, haween, carruur, dhalinyaro, ciidamo iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland ayaa waxa ay socod kusoo mareen wadooyinka waaweyn ee magaalada, ayagoo ku dhawaaqayay erayo ay kamid yihiin “Farmaajo Guul” “Soomaaliya ha midoowdo” iyo hal-ku-dhigyo kale oo ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsanyihiin hogaanka cusub ee dalka.

Dadkan ayaa isugu ururay beerta xoriyadda ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay dadweeynaha kula hadleen madax ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland, kuwaa oo sheegay in ay shacabka la qeybsanayaan farxadda iyo reynreynta.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement