Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Baarlamaanka Soomaaliland oo Ansixiyay Heshiiskii Somaliland iyo Imaaraatka

Hargeysa-( Rajonews )-Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada ee Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta ansixiyay heshiiskii Imaaraadka Carabta ee dhigayay in saldhig milateri inay ka furato magaalada Berbera.

 

Fadhigii Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland ayaa waxaa hareeyay buuq iyo qas, taasoo keentay in qaar ka mid ah Xildhibaanada Mucaaradka in dibadda loo saaro.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo markii hore isugu yeeray Xildhibaanada Gole ayaa hor-geeyay heshiiska, hase ahaatee markii uu codsaday in Wasiirada wax laga weydiiyo, lagana dhageysto nuqulada uu ka koobnaa heshiiska ayaa waxaa bilowday buuq iyo sawaxan.

Intaas kaddib ayaa Madaxweynaha Somaliland ka tagay fadhiga, waxaana markii Wasiirada isku dayeen inay hadlaan waxaa sii xoogeystay buuqa, iyadoo markii dambe ciidamada booliska ay xoog ku saareen Xildhibaanadii is hor-taaga iyo buuqa waday.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cirro ayaa isaga baxay fadhiga, markii inta badna Xildhibaanada mucaaradka xoog looga saaro gudaha baarlamaanka.

144 Xildhibaan ayaa u codeeyay, heshiiska Imaaradka Carabta, halka 1 xildhibaan uu diiday, waxaa fadhiga joogay 147 Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud ayaa shir guddoominayay, iyadoo aanu codeyn Guddoomiyaha sida sharciga yahay.

Dood ayaa maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee ku saabsan in saldhig milateri ka furtaan Berbera, waxaana heshiiskan uu dhigaya in 25 sano.

Dowladda Itoobiya ayaa walaac ka muujisay heshiiskan, waxaana Wasiiro ka tirsan Maamulka Somaliland oo dhowaan tagay Addis Ababa, si ay uga qanciyaan dowladda Itoobiya walaaca ay ka qabto saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement