Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Amaro culus oo lagu soo Rogay Xildhibaanada dooranaya Madaxweynaha dalka

Muqdisho-( Rajonews )-Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in magaalada Muqdisho ka bilaabato doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaana kursigan ku tartami doona 22-Musharax oo isugu jira kuwa saameyn leh iyo kuwa magac u yaal ah.

Olalaha doorashada ayaa aalay ilaa saaka ka socda magaalada Muqdisho, Musharaxiinta qaar ayaana waqti badan ku bixiyay kasbashada codadka Xildhinbaanada maanta codkooda lagu kala bixi doono, waxaa sidoo kale wali socota xod xodashada Xildhibaanada labada Aqal.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in Xildhibaanada labada Aqal ee wax dooranaya kusoo rogeen amaro kala duwan si looga fogaado in musuq maasuq uu ka dhax dhaco hoolka doorashada.

Xildhibaanada labada Aqal ee codkooda dhiibanaya ayaa lagu amray in aysan gudaha Hoolka lasoo gelin tefoonadooda gacanta oo laga cabsi qabo in ay ku sawiraan warqada codeynta , waxaa sidoo kale Xildhibaanada looga digay in wax olole ah ka dhax sameeyaan hoolka doorashada.

Guddiga doorashada iyo Guddiga kale la shaqeenaya ayaa dadaal badan ku bixinaya in wax musuq maasuq ah uusan ka dhax dhicin hoolka doorashada, waxaan kaamirooyin lagu xiray halka ay doorashada ka dhaceyso.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hada ka socota magaalada Muqdisho, Musharaxiinta Madaxweyne ayaana wada ololihii ugu dambeeyay ee ku kasbanaan Codka Xildhibaanada wax dooranaya.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement