Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Xukuumada Soomaaliya oo shaacisay Lacgta ay ku Taageereyso Abaaraha dalka ka jira

Cadaado-( Rajonews )-Wasiirka Arimaha gudaha Xukuumada Federalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay 3 Milyan oo dollar ay ku taageerayso dadka ay Saameeyeen Abaaraha xoogan ee ka jira Gobolada dalka.

Shir jaraa’id oo maanta magaalada Cadaado ay ku qabteen wasiira arimaha gudaha Soomaaliya Mudane C/raxmaan Xuseen Odawaa iyo Madaxwayne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay kaga hadleen abaaraha ka jira degaanada Galmudug , iyagoo dalbaday in laga qeyb qaato bad baadinta iyo samata bixinta Umada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ku xigeenka Maamulka Goboleedka Galmudug State Soomaaliya Mudane Maxamed Xaashi Carabeey ayaa sheegay in Galmudug ay waddo dadaalo lagu doonaayo in lagu caawiyo dadka dhibaateysan ee ay halakeeyeen abaaraha, isagoo xusay inay ku dadaalayaan sidii loo bad baadin lahaa Dadka Xoola dhaqatada ah iyo kuwa Beeraleyda ee ay saameeyeen abaaraha.

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa dhankiisa sheegay in Dowladu ay 3-milyan oo Dollar ku taageerayso
hawlaha gurmadka abaaraha ee dalka ka socdo, isagoo Bulshada Soomaaliyeed iyo Shirkadaha Ganacsiga ugu baaqay inay qaybtooda ka qaataan gar gaarka loo fidinayo Umada Soomaaliyeed.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement