Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Xildhibaanada Labada Aqal oo xalay goob qura kuwada Casheeyay + SAWIRO

Muqdisho-( Rajonews )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahin Muudeey ayaa ka qeybgalay casho sharaf ay Guddoonka Golaha Shacabka u sameeyeen Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda casho sharafta ah oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeybgalay inta badan Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la isku yiraahdo labada aqal ee kala ah Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, wasiirro, howlwadeennada Baarlamanka, fanaaniin iyo marti sharaf kale.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa munaasabadda ka jeediyey khudbado ku aadan xaaladda uu Baarlamaankan ku shaqo bilaabay iyo shaqooyinka ay ka dhowrayaan umadda Soomaaliyeed waxaana khudbadaha ay ka turjumayeen khibradda Xildhibaannada Baarlamaanka mudada fog kusoo jiray iyo Xildhibaannada Golaha ku cusub ee u badan dhalinyarada kuwaasi oo helay fursad ay dalkooda ugu adeegi karaan.

Munaasabadda intii ay socotay waxaa suugaan wadani ah oo u badan guubaabo ku soo bandhigay fanaaniinta kooxda deegaan oo ka tirsan Wasaaradda Kalluumeeysiga ayadoo ay cashadan noqoneyso munaasabaddii ugu horeysay ee Guddoonka la doortay ay u sameeyaan Xildhibaannada doortay.









Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement