Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Xiisad u dhaxeysa Ciidamo kawada tirsan Dowlada oo ka taagan Xaafad katirsan Muqdisho

Muqdisho-(Rajonews)-Wararka aan ka heleyno Xaafada Saban saban ee Degmada Dayniile ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Ciidamo ku labisdan dareeska Milatariga Soomaaliya balse u abaabulan qaab beeleed.

Ciidamadan ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay dhibaato xoogan ku hayeen xaafadaasi ayna ka wadeen dhul boob, waxaana hada laga cabsi qabaa Ciidamada hubeesan ee u abaabulan qaab beeleedka in ay dagaalaaan.

Rasaas goos goos ah ayaana goordhaw laga maqlay halka ay isku hor fadhiyaan ciidamadan hubeesan, waxaana jirta cabsi xoogan oo ku aadan in ay dagaal xoogan dhax maro hadii aanan xal kale la garain.

Dadka ku dhaqan Ex Xeradii hore Ciidanka ee Saban saban ayaa lasoo darsay cabsi aad u xoogan, dadka qaarkood ayaana bilaabay in ay halkaasi isaga qaxaan iyaga oo ka cabsi qaba in korkooda lagu dagaalamo dhibaatana ay soo gaarto.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Maamulka Degmada iyo kan gobolka Banaadir ay xal u raadinayaan xiisada ka taagan Xaafadan katirsan Degmada Dayniile, waxaana suurto gal ah in saacadaha soo aadan halkaasi la geeyo ciidanmo katirsan Nabad Sugida si ay goobta uga saaraan ciidan beeleedka. .

Ciidankan xiran dareeska Milatariga Soomaaliya ayaa dhibaato xoogan mudooyinkan ku hayay xaafado katirsan magaalada Muqdisho, ciidankan ayaana u ekeyn ciidan qaran balse waxa ay wataan astaanta iyo dareeska ciidanka Qaranka Soomaaliyeed lagu yaqaan.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement