Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka ” maxkamada ICJ waxay go’aan ka gaareysa inay dacwada qaadi karto ”

Muqdisho-( Rajonews )-Xeer ilaaliyaha Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrrimo ku saabsan muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay 2-da Bisha Febraayo ee sanadkan oo ku beegan maalinta Khamiista ah in loo fariisan doono Dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, taas oo looga hadli doono in Maxkamadda Hague ay qaadi karto Dacwadda iyo in kale.

Sidoo kale Dr. Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Soomaaliya mar walba in ay diyaar u tahay Dacwadda in ay qaado Maxkamadda Hague, maadaama Maxkamad caalami ah ay tahay.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay in Maxkamadda Caalamiga ah ee Hague aysan qaadi karin Dacwadda muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ay ku doodeysaa in ay leedahay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement