Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Weerar xoogan oo xalay lagu qaaday Masjid ku yaala dalka Canada

Canada-( Rajonews )-Masjid ku yaalla Gobolka Kubec ee wadanka Canada ayaa xalay waxaa weerar ku qaaday Dabley Hubeysan, oo tiro ahaan gaarayay 3 nin oo wajiyada ay u duubnaayeen, kuwaasoo ilaa hada la aqoon ujeedada rasmiga ah ee ay u weerareen Masjidkaasi.

Dableydan Hubeysan ayaa weerarka waxa ay qaadeen xilli fiid ah markaas oo Masjidka ay ku dukanayeen dad fara badan, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen Dad goobjoogayaal ah.

Inta la xaqiijiyay weerarkan ayaa waxaa ku dhintay 5 Qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka.

Booliiska Dalka Canada ayaa waxa ay sheegeen weerarkan in ay u soo qabteen 2 nin, kuwaas oo laga shakisan yahay, Boolisku weli ma sheegin magacyada nimankan iyo sidoo kale Dadka weerarka lagu Qaarijiyay wadamada ay ka soo kala jeedaan.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement