Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay degmada Afgooye iyo xaalada…

Afgooye-( Rajonews )-Dagaalo goos goos ah ayaa caawa waxay weli ka sii socdaan qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose , halkaasoo galabta qorax dhacii ay weerar xoogan ku soo qaadeen dagaalyahano taabacsan xarakada Al-Shabaab.

Rasaas goos goos ah ayaa weli laga maqlayaa gudaha iyo hareeraha degmada Afgooye, iyadoo jawiga degmadaas uu caawa ka duwan yahay sidii hore, waxaana gabi ahaanba istaagay isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha ku dhaqan degmadaasi,

Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray degmada Afgooye kuwaasoo ka baxay magaalada Muqdisho si ay u xoojiyaan ciidamada kale ee degmadaas kula dagaalamaya Al-shabaab, waxaana ciidamadaasi ay hada ka bar bar dagaalamayaan ciidamadii hore ugu sugnaa halkaasi.

Goob joogayaal ayaa Shabakadan Rajonews u sheegay in xoogaga Al-shabaab oo hub culus wata ay joogaan dhinaca galbeed ee degmada Afgooye, gaar ahaan xaafadaha Baalguri iyo Buulo-fulaay.

Weli lama oga khasaaraha nafeed ka dhashay dagaaladan galabta ka bilowday, welina ka socda degmada Afgooye, hase ahaate shacabka degmadaas oo guryahooda ku xiran ayaa walaac iyo cabsi ka muujinaya in dagaalku sii socdo, maadaama Al-shabaab ay weli joogaan xaafadaha degmadaas qaarkood.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement