Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Weerarkii Hoteel Dayax iyo Khasaaraha oo sii kordhay

Muqdisho-( Rajonews )-Waxaa goordhaw Ciidamada Nabad Sugida Qaranka soo afjareen weerarkii xooganaa ee lagu qaaday Hotelka Dayah ee magaalada Muqdisho, waxaana hada istaagay rasaastii xooganeed ee laga maqlayay aaga Hotelka .

Ciidamada Nabad Sugida ayaa hada howlgalo xoogan ka wada Gudaha Hotelka Dayah iyo xaafadaha ku dhagan, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in qaar kamid ah ragii hubeesnaa ee Hotelka weeraray la dilay.

Sargaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida ayaa sheegay in lasoo afjaray weerarkii Hotelka lagu qaaday ayna dileen Ciidamada kooxihii hubeesnaa ee weerarka kusoo qaaday Hotelka Dayah ee magaalada Muqdisho.

In ka badan 10-qof oo u badnaa dad shacab ah oo ku sugnaa banaanka Hotelka gaar ahaan goobo ganacsi iyo dad wadada marayay ayaa ku dhintay qarxii koobaad ee lagu weeraray Hotelka, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaa ka badan .

Qaraxa koobaad ee Hotelka lagu weeraray ayaa ahaa mid aad u xoogan oo loo maleenayo in loo adeegsaday gaari nuuca xamuulka qaado ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay , waxaana qaraxaasi lala eegtay albaabka laga galo Dhismaha Hotelka Dayah.

Qaraxa kadib ayaa waxaa bilowday rasaas xoogan oo u dhaxeysay ciidamada amaanka Hotelka iyo kooxo hubeesan oo dhinaca Waabari kasoo galay Hotelka, waxaana wararka soo baxaya sheegayaa in qaar kamid ahaa ragii hubeesnaa ay Hotelka galeen.

Ciidamo Nabad sugida katirsan oo u gurmaday Hotelka ayaa markii dambe weerarka soo afjaray, waxaana la dilay inta badan ragii weerarka tooska ahaa ku qaaday Hotelka Dayah ee kuyaala agagaarka Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Wali si rasmi ah lama oga in dad masuuliyiin ah ay wax ku noqdeen weerarka lagu qaaday Hotelka Dayah, waxaana Hotelka Degnaa Xildhibaano iyo dad kale oo isugu jira masuuliyiin iyo dad Ganacsato ah.

Masuuliyiin dowlada katirsan iyo Saraakiil ciidan ayaa la filayaa in Warbaahinta kula hadlaan Hotelka la weeraray ayna ka warbixiyaan Weerarkan saakay lagu qaaday Hotelka Dayah iyo Qasarahaa ka dhashay.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement