Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Urur Goboleedka IGAD oo ka digay weerarada Xoogaga Alshabaab

Muqdisho-( Rajonews )-Urur Goboleedka IGAD oo qeyb ay ka tahay Dowlada Soomaaliya ayaa digniin kasoo saaray weerarada Al-shabaab ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya, iyaga oo ka hadlay weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Hotel Dayax, kaasoo galaaftay Nolosha Shacab fara badan.

War Qoraal ah oo ka soo baxay IGAD ayaa lagu cambaareeyay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ka dhacay hotel Dayax ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka IGAD waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay maleegayaan weeraro ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya, balse loo baahan yahay in feejignaan dheeri ah laga galo weerarada.

“Waxaan ka digeynaa weerarada Al-shabaab, ciidamada dowladda federaalkaa iyo kuwa AMISOM mar walba waxaa looga baahan yahay in ay sugaan amniga, si looga hortago weerarada Dhagar qabayaasha ayaa lagu yiri.” ayaa lagu yiri qoraalka ah ee ka soo baxay IGAD.

Ugu danbeyntii, IGAD ayaa qoraalka ku sheegtay in ay kordhin doonaan taageeraada ay siinayaan dowladda Soomaaliya, si looga guuleysto amni darada dalka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa imanaya xili xoogagga Al-shabaab kordhinayaan weerarada ka dhanka ah xarumaha dowladda federaalka iyo AMISOM, waxaana weeraradan ugu danbeeyay kii maalintii shalay lagu qaaday saldhiga militari ee ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Kulbiyoow oo ilaa iyo hadda leysku khilaafsan yahay tirada askarta ku dhimtay.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement