Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Uganda oo ku Hanjabtay inay Cagta marineyso Xarakada Alshabaab

Kampala-( Rajonews )-Dowladda Uganda ayaa shaacisay inay qaadayso tilaabo ay ku doonayso in ay jawaab uga bixiso dilkii Al-Shabaab ay ku fuliyeen askari ka tirsananaa ciidanka dowladda Uganda ee ka howlgalla Soomaaliya, kaasoo lagu qabtay weerarkii degmada Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka ciidamada Uganda Paddy Ankunda oo wareysi gaar ah siiyay Wareyska Daily Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa sheegay in ay doonayaan in qaadaan tilaabo ay Al-Shabaab uga aargoosanayaan Toogashadii ay ku fuliyeen mid kamid ah askartooda ay ku qabsadeen weerarkii Janaale.

Paddy Ankunda ayaa ugu hanjabay Al-Shabaab in ay arki doonaan cududa iyo sidoo kale Awooda ay leeyihiin ciidanka dowladda Uganda.

Waxaa uu xusay in ay qorsheeyeen weeraro  ay ku qaadi doonaan Al-Shabaab.

Dhanka kale Afhayeenka ciidanka dowladda Uganda ayaa Faahfaahiyay Askarigii ay toogteen Al-Shabaab.

Waxaa uu tilmaamay in Askarigaasi uu ka tirsanaa ciidanka difaaca dowladda Uganda laguna magacaabi jiray Masassa, islamarkaana uu ku lumay dagaalkii Al-Shabaab iyo ciidanka AMISOM ku dhexmaray degaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhawaan ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay toogteen Askari u dhashay dowladda Uganda oo ay gacanta ku haayeen muddo ka badan hal sano.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement