Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

TOP NEWS: Damacii Shariif Xasan oo fashilmay, Hawiye iyo Daarood oo isku haya …

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kamid ahaa Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta soo dhamaatay rakjadii yareed uu ka lahaa in uu u tartamo Madaxtinimada dalka Soomaaliya doorashada dhawaan ka dhaceysa Muqdisho.

Musharax Shariif Xasan ayaa waqti iyo juhdi badan galiyay sidii kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya looga weecin lahaa Beesha Digil iyo Mirifle oo horey loogu calaamadeeyay, waxa uuna Shariif kursigaasi la damacsanaa in ay qaataan Beesha Daraood gaar ahaan Musharax Xidig.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhaw doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka ee hogaamin doona afarta sano ee soo socota waxaana xilkaasi mar kale loo doortay Gudoomiyhii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawarai oo kasoo jeeda Digil iyo Mirifle.

Shariif Xasan ayaa maanta si rasmi ah uga haray tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya maadaama Dowlada ay ku dhisan tahay awood qeybsi beesha uu kasoo jeedana ay qaadatay Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Siyaasadii ay wateen Musharaxiinta Beesha Daarood ayaa maanta guuleesatay kuwaa oo iyana waqti badan ku bixiyay sidii ruux kasoo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle u noqon lahaa gudoomiyaha Baarlamaanka gaar ahaan Prof Jawaari.

Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaan wali lagu saadaalin karin doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo iyana aad u adkaan doonta, waxaana loo badinayaa in mar kale Xasan Sheekh uu isna kusoo laabto aqalka Madaxtooyada.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement