Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Tarsan “Haddii aan madaxweyne Noqdaa Gabre kama shaqeynayo Soomaaliya”

Muqdisho-( Rajonews )-Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay doorashada sanadkaan iyo arimo kale.

 

Isaga oo ka qeyb galayay barnaamij ka baxayay TV-ga Somali Cable, ayuu ka hadlay arimo ku saabsan shaqada uu Generaal Gabre ka waddo Soomaaliya iyo arimo kale.

Mudane Tarsan, wuxuu sheegay in Generaal Gabre uusan kasii shaqeyn doonin gudaha dalka Soomaaliya, haddii uu ku guuleystaa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Balse wuxuu tilmaamay in Ethiopia ay tahay dal deris la ah Soomaaliya uuna la yeelan doono calaaqaad wanaagsan.

“Aan kala saarno Gabre iyo Ethiopia, haddii aan xilka qabtaa Generaal Gabre IGAD baan ku dacweynayaa, waxaana amrayaa in dhaqso dalka looga saaraa, laakiin Ethiopia waa dal deris aan nahay, Gabre dartiisna xiriirkeena looma xumeynayo”ayuu yiri Tarsan.

Tarsan, ayaa dhinaca kale sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu ku guuleysta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay doorashada sanadkaan iyo go’aankii gudiga doorashada ayuu sheegay inuu soo dhaweynayo waqtiga loo qabtay inay dhacdo doorashada madaxweynaha dalka.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement