Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Ra’isul wasaaraha dalka oo ka Tacsiyeeyay Geeridii ku timid Taliye Nuur Dheere

Muqdisho-( Rajonews )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa tacsi u direy ehellada iyo qaraabadii uu ka baxay Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Ilaalada R.Wasaaraha Gaashaanle Nuur Xasan Xakaar oo maanta u geeriyooday dhaawac ka soo gaarey Qaraxii dhawaan ka dhacay Hoteelka Dayax. Wuxuna marxuumka ALLE uga baryay in uu jannadiisa Fardowso ka waraabiyo.

Mudane Cumar ayaa sheegay in marxuumku u dhintay dhaawac ay u gaysteen Alshahaab, isla markaana wuxuu ku sifeeyey marxuumka in mudadii ay wada shaqeynayeen ku sifoobay howlkar iyo daacadnimo.

“Waxaan Alle uga baryaynaa in marxuumka uu ka waraabiyo naxariistiisa Janno. Waxaa dishay gacan ka xaqdaran, isagoo ku jira howlaha Qaranka, waxaan rajeynayaa kuwa ka danbeeya dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed in Caddaalad la horkeeni doono”.ayuu yiri R.Wasaare Cumar.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement