Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Qarax caawo ka dhacay Muqdisho oo lagu laayay Sargaal iyo Ciidamo ka tirsan Dowlada

Muqdisho-( Rajonews )-Inta la xaqiijiyay Saddex Ruux ayaa ku dhimatay, Saddex kalana wey ku dhaawacmeen qarax caawa ka dhacay Biibito ku taalla agagaarka Ex-xaruntii kuliyadii Jaalle Siyaad oo ku taalla afaafka hore ee degmada dayniile magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday bac madow la geliyey qeybta dambe ee maqaahidaas, waxaana goobta ka dhacay burbur xooggan.

Dadka geeriyooday ayaa kala ahaa sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyey Bedel oo ka tirsanaa ciidanka dowlada iyo labo askari oo goobta la joogay, halka sadexda dhaawaca ah ay dhamaantood ahaayeen shacab ay ku jireen qaar ka mid ah shaqaalihii maqaahidaas.

Ciidamada amaanka dowlada oo daqiiqado ka dib halkaas gaaray ayaa goobta xiray, iyagoo qaaday meydadka iyo dadka ku dhaawacmay qaraxaas oo goobta daadsanaa.

Maamulka iyo saraakiisha amaanka degmada Dayniile ayaan weli ka hadlin qaraxan oo qeyb ka ah weeraro todobaadyadii ugu dambeeyey ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo galaaftay nolosha dad badan.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement