Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Oradyahan Mo Farah oo dhaliilay go’aankii ka soo baxay Madaxweyne Trump

London-( Rajonews )-Orodyahanka afarta jeer billada dahabka u qaaday Britain, Sir Mo Farah, ayaa dhaliilay go’aanka madaxweyne Donald Trump uu Maraykanka uga mamnuucaya dadka asal ahaan kasoo jeedda todobo dal oo Muslim ah.

Mo Farah ayaa sheegay in aanu hubin in uu ku laaban karo Maraykanka, halkaasi oo muddo lixa sano ah ay xaas iyo carruur u degan yihiin gobolka Oregon ee dalkaasi.

“Waxaan aad uga xumahay in aan carruurteyda u sheego in aabahood ay suuragal tahay in uu u tegi waayo,” ayuu yiri Mo Farah oo farriin soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu ku tilmaamay siyaasadda Trump mid khaldan oo naceyb abuureysa.

Amarka Trump ayaa muddo 90 maalmood ah Maraykanka ka mamnuucay muwaadhiniinta dalalka Iran, Ciraq, Liibiya, Soomaaliya, Sudan, Suuriya iyo Yemen.

Xannibaadaasi ayaa sidoo kale saamayneysa dadka asal ahaan kasoo jeeda dalalkaasi, isla markaana haysta baasaboor dal labaad.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement