Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Muwaadin Soomaaliyeed oo xil muhiim ah ka qabtay Dowlada Canada + SAWIRO

Ottawa-( Rajonews )-Ra’isal wasaaraha dowlada Canada Justin Trudeau ayaa wasiirka Socdaalka ee dalkaas u magacaabay Axmed Xuseen oo ah muwaadin ka soo jeeda dalka Soomaaliya kana mid ah Mudanayaasha baarlamaanka dalka Canada.

Soomaalida ku dhaqan dalka Canada ayaa si weyn u soo dhoweeyey xilka sare ee loo magacaabay Axmed Xuseen oo noqonaya qofkii ugu horeeyey ee ka soo Somalia oo wasiir looga magacaabo dowlada Canada.

Magacaabida Axmed Xuseen ayaa timid ka dib isku shaandheyn uu ku sameeyey golihiisa wasiirada, waxaana uu ku dhashay magaalada Muqdisho 1975 ama 1976 waana qareen hogaamiya Xisbiga Canadian Somali Congress, waxaana 19kii Oktoobar 2015 loo doortay xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Canada.

 

 

 

 

 

 

 

 

Soomaaliya ayuu ku soo barbaaray Axmed Xuseen wuxuuna tegey dalka Canada isagoo ah qaxooti sanadkii 1996-dii isagoo dugsisa sare ka dib waxbarashadiisii taqasuska ku qaatay Jaamacada Ottawa qeybta sharciga.

 

 

 

 

 

 

 

 

Axmed Xuseen oo ah nin heysta diinta Islaamka ayaa markiisii hore ka qaxay dagaaladii hogaamiye kooxeedyada ee ka jiray magaalada Muqdisho. waana aabe labo caruur ah dhalay.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement