Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Musharax Cali Xaaji oo ka hadlay Soomaalida laga soo celinayo Norway iyo Mareykanka

Muqdisho-( Rajonews )-Musharax Cali Xaaji Warsame oo kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkan ayaa ka hadlay Qaxootiga Soomaaliyeed ee laga soo celinayo Wadamada Norway iyo Mareykanka.

Cali Xaaji ayaa arintan ku tilmaamay mid aan wanaagsaneen, isagoo ka dalbaday Dowladahaasi inaysan soo celin Dhalinyaradaasi Soomaaliyeed ee dhibka faraha badan ka soo maray Tahriibkii ay ku gaareen wadamadaasi.

” Sidaan ognahay mudo dheer dhalinyarada soomaaliyeed waxa haysatay dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid ahaayeen shaqo la’aan, nabadgelo xumo, daryeel xumo iyo ayagoo aan helin dawladii keeni lahayd sidii dhalinyaradaas loo daryeeli lahaa, taas oo ay u sii dheer tahay xagjirnimo iyo burcad badeed inay ka badbaadaan, Sababtaas awgeed ayaa dhalinyaro badan ay ku kaliftay in ay naftooda badbaadiyaan ayna u cararaan wadamada dibadaha gaar ahaan wadamada reer yurub iyo Ameerika, Qaar badan oo ka mid ah waxay naftooda galiyeen halis iyagoo tahriib ku maray badda ”.

” Dhaliyaraas dhibka faraha badan ku haysay wadanka oo si aad u adag ku gaaray wadamo ay ka mid yihiin Norway iyo Maraykanka ayaa dawladahaas u sheegeen in ay ku celin doonaan Soomaaliya, dhalinyaradaas qaar ka mid ah sida ay sheegeen dawladda Soomaaliya ayaa heshiis kula gashay dawladahaas in lasoo celiyo ”.

” Hadaba, Anigoo ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Warsame, Waxaa I damqiyey oo dareenkayga soo jiitay in aan ka hadlo dhibaatada ay sheeganayaan dhalinyaradaas loo gafay oo xuquuqdoodana lagu tuntay, waxaana soo jeedinayaa qodobadaan ”…..

1-      Dawladaha Norway iyo Mareekanka in aysan kusoo celin  dhalinyardaas soomaaliya, maxaa yeelay soomaaliya hadda kuma haboona in dadka ka qaxay lagu soo celiyo maadaama dhibaatadii ay kasoo carareen markii hore ay wali ka jirto, ayna dhalinyadaas hayaan ilaa iyo inta laga helaayo Dawlad dalka kusoo celisaa Nabaddii iyo Noloshii badbaadin lahayd dhalinyaradaas

2-      Dawlada Soomaaliya waa in aysa ogolaan in dhalinyaradaas lasoo celiyo waqtigan maadaama aysan kafaalo qaadi Karin

3-      Waxaan dawladda Soomaaliya u soo jeedinayaa in ay Joojiyaa dhalinyarada maalinwalba tahriibayo oo la wada ogyahay in dadka wax tahriibiyaa ay xafiisyo ku leeyihiin Caasimadda iyo meelo kale oo wadanka ah.

 

 Wabilaahi Tawfiiq

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement