Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Murashaxoow berri yaad Madax u noqon?? W/Q: Shukri Maxamuud Maxamed

Muqdisho-( Rajonews )-Dalkeenna waxaa soo maray abaaro badan oo muddooyin kala duwan saameeyey, inta la xasuusto, waxaa ka mid ah: “ Goohweyn, Siiga case, Hawaara, Gaatama, Jiitama, Dabadheer, Caga barrar ama Harga cuna,   Gaajo weyn, tan maanta oo u baahan magac bixinteeda.Abaaraha ayaa inta badan dhaca xiliga roob yarowga ah ama uu baaqsado mid ka mid ah labada xili ee roobka sida, Gu’ga iyo dayrta oo ah labada xili ee ugu badan roobkuna noo da’ayo, sidoo kale waxaan jirin ku talo gal ama u sii dhaaraansasho haddii xili ka mid ah xiliyaddu xumaado inuusan dad iyo xoolaba kayd cunto iyo mid biyood u diyaarsanayn.

Xilligii dowladda dhexe iyo burburkii ka dambeeyey haddaan tusaale usoo qaadano abaaraha dhacay   waxaa ka mid ah abaarihii dalka soo maray abaartii “Caga-barar” iyo abaartii “Dabadheer” kuwaasoo la dhihi karo waa kuwii ugu darnaa ee abid dalka soo mara. Haddaan tusaale u soo qaato abaartii “Dabadheer” oo dalka ku dhufatay 1974-1975-tii, waxa  ay ka dhacday  waqooyiga iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo galaafatay dad iyo duunyo badan, sida ay u daba dheeraatay ayaana loogu magac daray “Dabadheer”.Xilligaas waxaa dalka ay ka jirtay dawladdii kacaanka ay uu madaxwayne ka ahaa AUN Jaalle Maxamed Siyaad Barre waxaa lays waydiin karaa siday dowladdaas u maaraysay abaartaas loo bixiyay Dabadheer.?

Kaddib markii wafadi dowladda ka socdaa ay tageen goobaha ay abaartu sida daran u saamaysay, waxa la amray in dowladdu si deg deg ah ugu gurmato dadka iyo duunyada ay abaartu wax yeelaysay, Sannadahaas 1974 iyo 1975 waxaa dhulka miyiga ku maqnaa ardaydii dugsiyada dalka ee dawladdu ay ku hawlgalisay ololihii horumarinta reer miyiga ee la dagaalanka barashada qoraalka iyo aqriska. Ardaydaa ka qaybgalidda barridda qoraalka farta Soomaaliga ka sokow waxay ka qaybqaatayn gurmadkii abaarta loogu dhaqaaqay, maadaama ay ahaayayn tirada ugu badan ee hawlgali kartay waxay noqdeen kuwa shaqo walba ay dowladdu qabanayso adeegayaal ka ahaa.

Ciidamadda xoogga dalka ayaa iyaguna ahaa kuwa sida laxaadka leh uga qayb qaatay gurmadka abaartii Dabadheer,ayagoo kaga qaybgaley hawshii raridda iyo dajinta dadka abaartu haysay, 24 diyaaradood iyo ku Dhawaad 700 oo ah gaadiidka ciidamada oo ay ku jirayn kuwa cafimaadka.Dad tiro ahaan gaaraya 120,000(Boqol iyo labaatan kun) ayey abaartii Dabadheer ay duunya tirtay badankooda laga soo raray gobolada waqooyi ayaa la dajiyay dhinaca koofureed ee dalka ayagoo loo dhisay Hoy helayna xarumo caafimaad, kuwo waxbarsho loona samayay xirfaddo cusub oo ay nolol ku radsadaan.

Dadkii Soomaaliyeed ee koonfurta dalka daganaa waxaa ay soo dhaweeyeen walaalahooda abaarta xoola tirtay, ayagoo garab ku siiyay waxna ka dajiyay dhulkooda isla markaana ka caawiyay sidii ay u baran lahaayeen xirfaddaha tacbashada beeraha iyo kalluumaysiga.Hadda abaartii Dabadheer waxaa laga joogaa ku dhawaad 45 sanno, waxaana gadaasheeda dalka soo maray abaaro  badan oo kala duwan, sibaa looga soo gudbay alxamdulillah illaah waa naga soo dhaafiyay balse maanta dalka waxaa ka jirta abaar la mid ah tii Dabadheer, waxaana marag ma doonta ah in dalka aysan ka jirrin dowlad la mid ah tii barigaa aynu haysanay.

Abaaraha soo noqnoqda ee dalka ka jira waxay sababeen baaba’a xoola badan oo dadka noloshooda ku tirrsanayd, ayadoo dadka jilicsan ay wayeelka iyo carruurta ayaguna dhimashadu ku jiraan, tusaale qoys xoola dhaqato ah oo ka koobnaa Aabe, Hooyo iyo seddex caruur ah, ayaa 200 oo neef oo ari ah oo ay dhaqan jireen iyo ratigii ay dhaansan jireen waxaa ay u waayeen daaq iyo biyo, hortooda ayayna ku naf waayeen, tiiyoo ayagiina aan la ogayn xilliga ay nafta gaarsiinayso.Qoyskaas iyo kuwa badan oo la mid ah oo aan maanta ilaah ka sokow haysan dawlad ugu gurmata sidii tii kacaankii oo kale waxay rajadooda noqon kartaa oo kaliya inay dabagalaan xoolahooda oo ay dhintaan ama ay helaan gacanta Soomaalidda wali dadnimadooda iyo Islaamnimadooda nooshahay.

 

Dawlad dhexe iyo maamul goboleedyada waxaa dadka ku jiraa ay maanta u tartamayaan hellidda xilal sare oo siyaasadeed, waxaana ay ilaaween inay ku tartamaan gurmadka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee abaartu habsatey gaajada iyo haraadkana u dhimanaya.Haddii dadkaa xoolaha ka dhamaadeen ay ka quustaan dawlad iyo cid u gurmata waxaa suuragal noqota in iimaankooda uu wax gaaro ayna sababto qaarkood inay isdilaan sida haddaba dhawr meelood laga soo wariyey.

Waxaan aaminsanahay in abaartii Dabadheer sidii loo maarayey xilligaas hore, dowladda oo awood lahayd iyo dadka oo isku duubnaa isna jeclaa awgeed, in haddii maanta la helo dadweyne iyo dowlad u mideysan gurmadka iyo gargaarka walaalahood, la badbaadin karo dad iyo duunyaba, sidoo kale haddii siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta xilka dalka iney qabtaan u ordayaa dhaqaalaha iyo hantida ku baxaysa doorshooyinka ay u weeciyaan dadkooda tabarta daran isuna taagan samata bixinta dhallaanka, haweenka iyo waayeelka jilicsan in halka Soomaalinimadii ka soo noqoneyso iyo is jecaylkii shalay.

 

Haddii la qiyaaso ku dhowaadka 25-ka musharax ee xildoonka ah waxaan maqlaynaa in midkiiba uu haysto 10 million oo dollar ugu yaraan, kaba soo qaad inay haystaan, isu gaynta lacagtaas waxa ay noqoneysaa 250,000,000,(shan iyo labaatan malyan oo dollar) ma suuragalaysaa inay hanti intaa la eg xil lagu doonto ayadoo ay baahi iyo oon ay u dhimanayaan walaalo Soomaaliyeed.Waxaad ogaataa xildhibaan walba in gobal  laga soo doortay, dadka abaartu ay haysatana waxaa ku jiro kara hooyadiis iyo aabbihiis ama waxaa ku jira dad ehelkiisa ah, sidaa darteed bal is waydii hadii aad lacagtaada waddo saxan uga faa’iideysato oo aad sidaa ku bixiso, maxay yihiin faa’iidooyin aadka  halleyso:-

 

  • Waa mid sadaqo oo Alle xagiisa ajir fara badan aad ku yeelanayso.
  • Duco oo aad ka heleyso dadka aad naftooda Alle ka sokow aad bad baadisay.
  • Waxaad noqon doontaa qof la xasuusto, oo wanaag dalka iyo dadka uga taga.
  • Wanaagga aad sameysay oo ay kaaga dayan doonaan dad badan.
  • Adiga oo illaaahey dartiis dadkaas u caawiyay badalkeedana ilaah ka rajaynayaa.

Ugu dambayn walaalka musharaxa ahow fadlan haddii aad doonaysid in dadkaan iyo dalkaan aad Madaxwayne u noqoto, marka ugu horraysa ka qayb qaado badbaadinta dadka aad madaxweynaha u noqon doonto, maxaa yeelay dadkii aad madaxda u noqon lahayd kuwoodii ugu fikir iyo maskaxda badnaa waa kuwa abaarta ku dhammaanaya, hadii dadkii ay dhammaadaan yaad madaxwayne u noqon doontaa.? Yaa rabtaa in ay noqdaan kuwii dalka difaaci lahaa.? Yaad doonaysaa in ay noqdaan kuwii dhaqaalaha dalka kobcin lahaa.? Waa kuwee kuwa aad talada waydiisan doonto, haddii ay arrin go’aan ka gaaristeedu kugu adkaato? Waa kuwee carruurta aad ku faani doonto ee aad dhihi doonto waxbarasho bilaash ah ayaan siiyay marka muddo xillleedkaadu kuu dhammaado? Waa kuwee hablaha kuu buraanburi doono marka aad guuleysato, marka aad guul darreysatana ku dhiira galin doono? Waa kee midka marka aad xanuunsato dawada mida ugu wanaagsan “Qur’aanka” Kugu aqrin doono?.

Murashaxiinta Soomaaliya

Haddii ay maruugmaan Ka madhaan arlada gebi Maskaxdaada weydii Maankaaga ku celceli Madax yaad u noqono Berri Maamulaysaa??.”

Intaas oo ruux iyo ka badanba waxay ku jiraan dadka maanta gaajada iyo oonka u dhimanaya, ogowna haddii aadan  maanta badbaadsan barri marka aad xilka qabato, boosaskaas oo dhami way kugu bannaanan Doonaan.Waxaan kusoo gabagabaynayaa qoraalkayga tixdan kooban:

  • Mudanaha sharaxanoow
  • Mar haddaad masuulnimo
  • Madaxwaynaha guudiyo
  • Milge raadis aad tahay
  • Marka hore is miisaan
  • Muran yaanu kaa galin
  • Maatidaa il daranee
  • Maytida u badatee
  • Murugada ku noolee
  • La madluun ah gaajada.
  • Waa muhiim midaasiye
  • Mudanoow ogsoonoow
  • Waana lagama maarmaan
  • U miciinka maxastiyo
  • Marastaa cidlada taal.
  • Haddii ay maruugmaan
  • Ka martaan arlada gebi
  • Maskaxdaada weydii
  • Maankaaga ku celceli
  • Madax yaad u noqono
  • Berri Maamuleysaa??.”

 

W/Q: Shukri Maxamuud Maxamed

shukrixaaji1122@gmail.com

Mogadishu-Somali

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement