Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Meydadka Ragii weeraray Hoteelka Dayax oo la soo bandhigay + SAWIRO

Muqdisho-( Rajonews )-Laamaha Amaanka dalka ayaa soo bandhigay Meydad la sheegay inay yihiin Kooxdii weerartay Saaka Hoteelka Dayah ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo galaaftay Nolosha Dad aad u fara badan

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in kooxdii weerarka soo qaaday ay gaareysay illaa iyo shan nin, kuwaasoo uu xusay in afar ka mid ah ay toogteen ciidamada amniga, halka ninka shanaadka uu isqarxiyey intii u howlgalku socday.

Saraakiisha laamaha amaanka ayaa baaritaano ku sameynaya meydadka kooxaha weerarka soo qaaday, iyagoo isku dayaya iney ogaadaan halka ay ka yimaadeen iyo haddii ay ku jiraan kuwo qurbaha ka yimid.

Weerarkii maanta ayuu wasiirku sheegay iney ku dhinteen ugu yaraan 10 qof qof halka ay ku dhaawacmeen 51 qof, inkastoo tirada wasiirku sheegay la ogaaday in khasaaruhu ka badan yahay.






Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement