Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

MAQAAL: “Nin qabyeeyay ma Dhameystiro”

Muqdisho-( Rajonews )-Baratanka sida xowliga ah ku socda ee Doorashada u dib dhacday 2017 ayaa ku soconeysa aan caadi aheyn, iyadoo musharaxiinta ay is weydaarsanayaan erayo kul kul oo aan waxba leysugu reeban .

Waxaa kaloo jirta in Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa warbaahinta isku dhaafsadeen erayo u muuqda Cambaareyn midba midka kale uu ku cambaareynayo, iyadoo eedeymaha ay gaarayaan heerkii ugu sareeyay ee Qiyaano qaran.

Haddaba waxaa muuqaneysa in  Murashaxiintu Sameysteen halku Dhigyo kala duwan oo ujeedkoodu yahay in ay kusoo jiitaan Xildhibaanada la filayo in ay Codeeyaan Doorashada madaxweyne ee Dabayaaqada Bishan la filayo in ay Muqdisho ka dhacdo.

Hal ku dhigyada murashaxiinta ayaa siyaabo kala duwan loo arkaa ,iyadoo ay ku jiraan murashaxiin  ku hal qabsaday hal ku dhigyo qaarkood aan Maskaxda gelin Karin,isla markaana aan dhaafsaneyn“War Boor lagu Qoray” marka loo eego waaqica ama xaaladda jirta iyo hab dhaqanka murashaxa hal heyska sameystay iyo sida uu ka turjumayo hab dhaqankiisa in ay is diidayaan.

Hal ku dhigga aadka iiga yaabiyay oo aan ku qoslo markaan arko wuxuu yahay “QABYO QOFKEEDAA DHAMEYSTIRA” oo uu hal heys uu ku ololeeyo ka dhigtay madaxweynaha Waqtiga ka dhacay ee Xasan Sheekh Maxamuud , sababtuna waxay tahay Markaad si qoto dheer u eegto hab dhaqanka Murashax Xasan Sheekh afartii sano ee la soo dhaafay ,waxaa kuu Caddaaneysa in halku dhiggiisa iyo Siyaasadiisu ay is Burinayaan iskana soo horjeedaan, maxaa yeelay Qof wax Qabyeeyay waa qof guul Dareystay oo howshii la rabay inuu dhameystiro gabagabeyn waayay,Tusaale Enjineer loo igmaday Guri Dabaq ah inuu muddo cayiman ku dhameystiro ,Lacagihii u baahnaa iyo agagabkii iyo Shaqaalihiisiina heysto ,haddana markii Waqtigii Dhamaaday soo jeestay oo Yiri Qabyada aan dhameystiree waqti iigu Dara! ,iyadoo taasi ka turjumeysa Fashil uu ku dhacay qofkaas howsha loo igmaday Dhameystiri waayay Howshii kana dhigay Qabyo.

 

Waxaa muuqaneysa in Howsha si kas ah uu u qabyeeyay Xasan Sheekh Maxamuud ,halkuu ka fikiri lahaa dhameystirka howshiisa uu muddo 4 sano ah ka fikirayay siduu u qabyeyn lahaa oo laba Dhagax aysan isku saarmi laheyn waxaana la Dhihi Karaan Xasan Sheekh “ Nin Qabyeeyay ma Dhameystiro”.

Kubaddu waxay taalla Goosha Xildhibaanada sida ay ula dhaqmaan ayey noqon doontaa Natiijada Dalka iyo dadka iyo xataa Naftooda, maxaa yeelay waa Shaqaale mushaarkooda in ay helaan ayey ku noolaan karaan,qofka ay is leeyihiin waad ka heleysaan iyo qofka Bilo ama Sanado aan siin way kala garanayaan ama ugu yaraan kan ugu roon,

Ugu yaraan si ay Bini Aadanimadooda u dhowraan xubnaha Baarlamaanka waxaa la gudboon sidey ku yimaadaanba haku yimaadaane taasi waa mid tagtay soona noqon meyso waxay hadda fursad u heystaan in ugu yaraan Dalkan ka badbaadiyaan Madaxda Waqtigu ka dhamaaday ee dhibaatada Culus gaarsiiyay Dalka ,waxaana jira Hal ku dheg dhahaya ‘Siyaasaddu ma lahan Saaxiib joogto ah iyo Cadow joogta ah” maanta ninka adiga musuq Maasuqa xilka kuugu soo saaray Maskaxdaada Remote Control kuma heysto Qorina kuguma hayo ,waxaad awoodaa inaad xornimo ku Codeyso oo aad kasoo horjeesato ,iyadoo Codeyntu ay tahay mid qarsoon , waxaa kaloo jirta in aysan jirin sabab looga baqo nin xildoon ah oo Gacantaada ku xiran yahay Mustaqbalkiisu hadaadan dooran miyuu noqon karaa Madaxweyne miyuu awoodaa inuu xil kaa qaado? ,in kastoo ay soo baxayaan warar maangal ah oo sheegaya in Xildhibaanada Dhaar lasoo mariyay inta aan la dooran, haddii aad dhaaratay Kafaara Gud ayey leedahay ee Danbi ka weyn inaad ku gasho Caqli Saliim ah ma geleyso.

 

W/Q. Bashiir Maxamed (Bashiir Soomaali)

Mr.bashiir088@gmail.com

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement