Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Madaxweynaha Dalka oo ka hadlay Doorashada Gudoonka Aqalka Sare ee dalka

Muqdisho-( Rajonews )-Madaxweynah Jamhuuriyaddda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Xildhibaanadda Baarlmaanka Aqalka Sare ee Dowladda Soomaaliya oo shalay Muqdisho ku doortay guddoomiyaha aqalka sare iyo ku xigeenadiisa.

‘’ Doorashooyinkii Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ee qabsoomay Shalay, waxay muujinayaan sida dadka Soomaaliyeed ay ugu bisilaadeen siyaasadda leh hufnaanta iyo degenaanshiyaha. Waa tallaabo muhiim ah oo sahleysa horumar iyo horu-socod. Hambalyo ayaan leeyahay Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa koowaad iyo labaad ee la doortayay maanta , waa masuuliyiin khibrad u leh xaaladda Soomaaliya, kartina u leh hoggaaminta, waxaana Allaah uga baryayaa inuu masuuliydaas cusub la garab galo ” ayuu yiri Madaxweynaha

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay musharaxiintii kale ee tartaranka ka qeyb gashay sida kartida dheeraadka ah ee ay u aqbaleen natiijada doorashadii guddoonka Aqalka Sare ee maanta dhacday.

Ugu dambeyntii, Madaxweynah ayaa mahad-celin iyo hambalyo u jeediyey guddoonkii KMG ahaa iyo guddigii doorashada guddoonka Aqalka Sare ee Baarlmaank oo si hufan ugu guuleeystay qabsoomida doorashada.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement