Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Maansada Qarib W/T: Bashiir Cali Barre

Muqdisho-( Rajonews )-Maansadan Qarib  waxaa curiyey  Laashin  Bashiir Cali Bare,  Waa maanso ka hadlaysa  waaqica taagan iyo dhibaatada  geyiga Soomaaliyeed ka jirta,  haddaba  waa tan  ee ka bogo:

  • Dalkeenna waxaa qarribay
  • Waxaa qadaf noo horkacay
  • Dumiyay qarankeeniyoo
  • Dunida kale naga qoqobay
  • Qabiil ku jeclaansho iyo
  • Nacayb qolo gooniyoo
  • Qalad weeye ficilkaase
  • Quursigu illaa heedhe
  • Quuri weyto iyo hoog leh
  • Qolada kaan wadaagno iyo
  • Dhammaanba qaraabadiyo
  • Qofkii aan rafiiqno iyo
  • Qabiilkeyga oo kaliya
  • Ayun baa wax qaban karaya
  • Inta kalena qabad weeye
  • Ilaahoow qaaddiroow
  • Aday quwaddaa tahaye
  • Sidii qurxan noogu door
  • Qur’aankiyo sunnada nabiga
  • Dhabtii niman qaaddacaa
  • Dadkeenna qalloociyoo
  • Habka qaraxa loo duugo
  • Dadka looga guro qoorta
  • Shaqsigoo qabsani hawlo
  • Nafta looga qalaf siiyo
  • Asoon qoommamaynaynin
  • Ku qanciya dhallaankeenna.
  • Qarnigiyo la yaabkiisa
  • Naf la qalay ku faraxeeda
  • Shacbi oomman qixintiisa
  • Qorshe baas ku doonkiisa
  • Adoo qoorta ruux jaraya
  • Toowxiid ku qowlkiisa
  • Rabbow nimankaas qarriban
  • Adaa naga qaban karee
  • Dhawaan dalka nooga qabo.

W/T: Bashiir Cali Barre

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement