Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Maamulka Puntland oo qabtay Sargaal ka tirsan Xarakada Alshabaab

Garowe-( Rajonews )-Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtey sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab kaasoo mas’uul ka ahaa dilal dhowaan loogu geystey magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Kornayl: Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa saxaafada u  sheegay in baaritaan  ku hayaan hay’addaha baarista dambiyada ee Puntland.

Hase yeeshee guddoomiyaha ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo qofka uu ku sheegay sarkaalka.

Dhowaan ayaa lagu diley magaalada Boosaaso xeer ilaaliyihii maxkamadaha,taliye ku xigeenkii ciidamada booliska Puntland iyo Agaasimihii Madaxtooyada Boosaaso iyadoo dhammaantood ay dilkooda ka dambeeyeen rag ku hubeysan bastoolado.

Wuxuu gudoomiyuhu ka gaabsaday inuu xog dheeraad ah ka bixiyo Sargaalka iyo Dad kale oo ka tirsan Shabaab oo lala qabtay  isagoo hadalkiisa kusoo koobay inuusan ka hor-dhacayn baaritaankooda.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement