Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Laanta Socdaalka Soomaaliya oo ka hadashay Qof laga waayay Diyaarad ku sii jeeday Kenya

Muqdisho-( Rajonews )-Laanta Socdaalka iyo Jindiyadaha Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qof la sheegay in dhawaan laga waayay Diyaarad rakaab ah oo kusii jeeday magaalada Nairobi , iyadoo diyaarada ay transit kusii mareysay garoonka Diyaaradaha Magaalaa Wajeer oo lagu sii baaro diyaaradaha Soomaaliya ka taga, una socda magaalada Nairobi.

Booliiska magaalada Wajeer ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay baadi goob ugu jiraan qof rakaab ah oo laga waayay Diyaarada ku degtay Garoonka Diyaaradaha Wajeer, waxa ayna booliiska gacanta ku hayaan boorsada qofkaasi oon diyaarada wax ka raacin markii ay Muqdisho ka duuleysay, taasoo shaki weyn galisay laamaha amaanka dalka Kenya.

War kasoo baxay Laanta Socdaalka iyo Jindiyadaha Dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu Muqdisho joogo qof ay baadi goobayaan ciidamada amaanka dalka Kenya, waxaana ruuxan la sheegay in laga reebay Diyaarada kusii jeeday dalka Kenya, maadaama uu qofkan watay VISA aan sax ahayn.

Ruuxa Somaaliga ah ee laga reebay Diyaarada kusii jeeday magaalada Nairobi ayaa la sheegay in lagu celiyay garoonka Aadan Cadde xili uu donayay in uu ka duulo kadib markii laga shakiyay sax ahaanshiyaha viisaha uu watay.

Ciidanka Amaanka Kenya ayaa baadi goob ugu jiray mudio isbuuc ah ruuxan la sheegay in laga waayay Diyaarada Wajeer ku degtay, waxaana Diyaaradaasi ay la socdeen Wasiiro katirsan dowlada Somalia lagu xanibay mudo saacado ah Garoonka kadib markii la waayay qofka boorsadiisa diyaarada saarneed.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement