Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Kooxo Hubeysan oo goor dhow Muqdisho ku dilay Nin Dhalinyaro ah + XOG

Muqdisho-( Rajonews )-Kooxo bistoolado ku hubeesan ayaa goordhaw oo caawa ah ku dilay agagaarka Isgooska KPP ee Degmada Hodan nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu dhawaan ka yimid magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ninka la dilay oo Magaciisa lagu soo koobay Wadaad Yare ayaa kasoo baxay goob timo jare ah oo kutaala agagaarka Isgooska KPP gaar ahaan meel ku dhaw Hotelka Siyaaxi, waxaana halkaasi ku toogtay kooxo gaari bistoolado ku hubeesnaa oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Ciidamo katirsan Nabad Sugida oo ka agdhawaa halka uu dilku ka dhacay ayaa durba gaaray goobta ninka shacabka ah lagu dilay, waxaana goobtaasi meydka ninka la dilay ka qaaday eheladiisa iyo Ciidamada amaanka.

Wali si rasmi ah looma oga kooxaha dilka u geestay Ninka shacabka ah oo la sheegay in maalmo yar kahor uu ka yimid gobolka Galgaduud, walina ma jirto cid sheegatay Masuuliyada dilkaasi oo goordhaw dhacay.

Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaarkood waxaa ka dhaca dilal ay geestaan kooxo hubeesan oon heebtooda la garab, kooxaha dilka geesta ayaa inta badan si fudud uga baxsada goobaha ay dilalka ka geestaan.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement