Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

JACAYLKII IGU KALIGA AHAA!!! W/Q: Ahmed Ali Hyder

Muqdisho-( Rajonews )-Waxaan aha mid usoo baxay waqtiga dhalinyaranimadiisa, waxan lahaa Hammi badan iyo Riyo, waxan laha Rajo badan, Intaas oo dhan waxay aheeyd riyo aan ku riyoonayey ka hor inta aanan ka soo baqoolin halka aan ku dhashay oo aheyd Kismaayo. Duruufaha nolosha ee igu xeernaa waqtiga ayaa igu qasbay inaan ka soo baxo kismaayo oo aan u soo haajiro mid kamid ah Xeryaha Qaxootiga ee Kenya. Waana Kakuma.

Kaakuma markaan imid waxan kalakulmay Xaalad an ii sawirneen inta aanan ka soo bixin Kismaayo, kakuma waa meel aad ay nolosheeda u qallafsanayd oo nolol adag, kaliya uu ku noolaan karo qof u dhabar adeega oo daruufaha heysta ay kuqasbayaan inuu ku noolado, ma ahan meel u fiican qof dhalinyaro ah oo rajo dheer ka leh mustaqbal nololed.

Imaatinkeyga kakuma iyo markaan arkay xaaladaha adag ee kajira waxaa igu soo kordhay rajo xumo iyo qalbi jab iyo qarracan nafsiyadeed, runtii meeshaan ka imid iyo meeshaan joogo ma aha laba nolol oo la isbarbar dhigi karo xaaladahooda nololeed.

Duruufaha adag ee ka jira xeradaas iyo markaan arkay xaaladaha adag ay ku noolyihiin dadka xerada dagan ayaa waxaa ii sawirmay oo is tusiyey in waddada kaliya aan oga badbaadi karo xaaladahan adag ee nolosha ay tahay inaan waxbarto, maadaama waxbarashadu ay aheyd riyada uguweyn ee aan tiigsanayey, xaaladda xerada ka jirta darteedna aysan ii suura galinen in aan quuto xoogayga, micnaha aan shaqesto.

Waxaan bilaabay waxbarashadeydii Dugsiga dhexe, runtiina la qabsiga xaaladaha iskoolada Kenya ka jira waxay ahaayeen kuwa igu adag dhanka Luuqadda iyo qaabka waxbarashada oo kaduwan qaabkii aan kismaayo wax oga baran jiray, dabcan Caqabado badan waan la kulamay, balse ma aheen kuwo iga hor istaagi jiray gaaridda hadafka aan tiigsanayey.

Asxaab badan ayaan iskoolka ku dhex yeeshay, qaarkood way dhoofayeen oo waxa soo dhawaa dhoofiddooda, qaarna howlihii ay ku bixi lahaayeen ayaa meel dhexe u marayey, qaarna waxay ahayen kuwo ay rajo xumo daashatay kadib markii ay ku daaheen xeryaha qaxootiga, ayaga oo rajadii iyo riyadii aheed nolol fiican ku gaara kakuma ay yara soo daahday.

Asxaabta qaar waxay ahaayeen kuwo sidayda oo kale ku cusub xerada, inkastoo lagu kala duwanaa hammiga iyo riyada uu qof kasta tiigsanayey, qaar ayaa u yimid meesha inay kadhoofaan oo waxbarashada u aheed Maweelo ay ku gaarayeen waqtiga ay rabeen, qaarna sida anigoo kale ayey riyo waxbarasho lahaayeen, qaarna inta xaaladda mesha ka jirta u adkeysan waayeen ayey u kala firxadeen magaalooyinka kaladuwan ee Dalka sida Nairobi iyo Mombasa oo nolol maalmedkooda u raadsadeen.

Nasiib wanaag aniga waxaan ku nagaaday oo si wacan ula qabsaday iskoolkii aan markaas dhiganayeey oo runtii asxaab iyo macalimiin qaali ah aan ku yeeshay, kuwaas oo runtii qeyb weyn ku lahaa in aan ku nagaado gaaridda hadafkeyga waxbarasho.

Xaaladdu waxay aheeyd mid isku badbaddaleysay sida mowjadaha badda oo kale, dadku waxay nolosheyda ugu soo biirayeen sida waqtiga cusub u yimaado, qaarna waxay noloshayda oga baxayeen sida waqtigu uu u baxo, waxaan ahaa mid la nool waqtiga oo kaliya .

Waxay aheyd aheyd subax ka mid ah subaxyada nolosheyda ugu xasuusta badan, waxa ay aheyd subax aan la soo toosay xaalad ka duwan xaaladahii aan la soo toosi jiray, subaxaas wuxuu ii lahaa dareen gaar ah iyo tilmaan gaar ah, waan dareemayey waana ogaa inay wax dhici rabeen, balse ma sifeyn Karin waxay noqon doonaan waxas dhacaya.

Aniga oo dareen qaba ayaan subaxaas soo aaday iskoolka, waxaana ugu tala galay qaadashada cashirradii aan ku soo tala galay, waa subax uu qalbigeyga si ka duwan sidii aan ku aqiinay u garaacmayey, waana ogaa inuu wax tabayey, waxaan isweydiinayey waxa uu qalbigeygu tabayo s aaka.

Anigoo sidaa u fakaraya lana yaaban sida xaalkeyga uu yahay saaka, fasalkana dhex fadhiya sugayana macallinkii na siin lahaa xiisadda ugu horeyso ayey soogashay iyada buugaagteeda ku sidata Shafka qalina usuranyahay dhanka midig ee dhafoorka.

Waxay u ekayd aradayad cusub oo saaka kusoo biirtay Iskoolka oo Imtaxaan u qalma heerkeeda aqooneed looga qaadayay fasalkeena si kumeel gaar ah, iyada iyo laba gabdhood ookale oo nasiib wanaag iskoolka iskumar soogalayey.

Waxa laga qaadayey imtaxaan lagu ogaanayo heerka ay fasal ahaan u qalanto, natiijada ay imtaxaankaas ka keentana lagu geyn doono meesha ay mudantahay, sidaas darted aysan ka dhigneyn inay kusoo biirayso fasalkeena.

Sheeko yar oo walalnimo ayaa nagu dhex martay meesha waxay ii sheegtay igana codsatay gacan ku saabsan imtaxaankeeda taas oo aan umuujyey in aan diyar u ahay in aan gacan ka siiyo, runtii aad ayey iigu mahad celisay aniga oo mahad celinteeda ka dib kula kaftamay inaan wali sameenin wax la iiga mahad celsho.

La soco qaybta 2aad Talaada walba

W/Q: Ahmed Ali Hyder

Ciiseduq12@gmail.com

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement