Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Jaamacada Carabta oo Soomaaliya ka Taageereysa Sugida Arimaha Amaanka

Muqdisho-( Rajonews )-Baarlamaanka Jaamacada Carabta oo ay soomaaliya kamid tahay ayaa isku raacay in la kordhiyo taageerada la siiyo Soomaaliya si loo xaqijiyo amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo ka hortaga weerarada kooxaha argagixisada ah ee ka soo horjeeda Dowlada Soomaaliya.

Xildhibaanada baarlamaanka Jaamacada Carabta ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay isku afgarteen in laga dhigo dagaalka lagula jiro Al-shabaab dagaal caalami ah oo dowladdo badan ay ka qeyb qaataan.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegay in ay ka xun yihiin qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho oo uu ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday hoteelka Dayax ee degmada Waabari.

Dr. Meshaal Al Salmi afhayeenka baarlamaanka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in ay muhiim tahay in loo midoobo dagaalka lagula jiro Argagixisada.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in hoggaanka baarlamaanka Jaamacadda carabta ay u tafa xaydan doonaan sidii nabad iyo xasilooni loogu soo celi lahaa Soomaaliya.

Ugu dambeyntii xildhibaanada Jaamacadda Carabta waxaa ay sheegeen in ay garab taagan yihiin Madaxda dowladda Soomaaliya.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement