Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Human Rights Watch: ” AMISOM waa inay magdhaw ka bixiso dilka 14 rayid ah ”

Muqdisho-( Rajonews )-Hayada xaquuqul aadanaha ee Human Rights Watch HRW ayaa ka dalbeysa Taliska ciidamada AMISOM inay magdhaw ka bixiyaan 14 Ruux oo Rayid ah oo ay sheegtay inay ku dileen deegaano kala duwan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

War saxaafadeed maanta ay HRW kasoo saartay Nairobi ayaa lagu shaaciyay waxyaabihii ay kasoo ogaatay baaritaan ay dhawaan dilalkaa ku samaysay.

14ka qof ayaa gaar ahaan waxaa dilay dufcadda Itoobiya ee ciidamada AMISOM. Dadkaa ayaa lagu laayay Wardiinle oo ah deegaan ka tirsan gobolka Baay.

Lix bilood ayaa hada laga joogaa markii dilalkaa ay dhaceen oo HRW ay sheegtay in ay ciidamadaasi geysteen 17kii Luuliyo sanadkii tagay ee 2016.

Waxay sheegtay in wali ehelada dadkaas aan wax magdhaw ah la siin lix bilood kabacdi.

Dadkaa ayaa Quraan ku aqrinaayay qof buka maalintaa ka hor intii ciidamadaasi AMISOM aysan rasaas ku furin mundul ay ku jireen.

Dadkaa dhintay oo meeshaa lagu dilay ayaa waxaa ku jiray odayaal, culimaau-diin, macalimiin dugsi iyo dad qaraabo la ahaa qofka bukay ee la diin saarayay.

Marar badan ayaa waxaa sidaan oo kale ciidamada AMISOM loogu eedeeyay inay dilal geysteen gaar ahaan dad sidaa oo kale guryahooda u joogay.

AMISOM ayaan wali ka hadlin war murtiyeedka HRW maanta ay soo saartay walow in badan oo tacaddiyada lagu eedeeyo ah ay horay u diideen inay galeen in badana ay qirteen tacaddiyada lagu soo eedeeyay inay ka galeen dadka rayidka ah ee Soomaaliya.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement