Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Hay’adaha qaabislan Qaxootiga oo ka walaacsan Go’aankii lagu Joojiyay Soo galootiga USA

USA-(Rajonews) Hay’adaha qaabilsan soo dhaweynta qaxootiga iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Mareykanku waxay ka walaacsanyihiin Go’amadii uu dhawaan gaaray madaxweynaha Mareykanka ee ka hadlayay joojinta qaxootiga iyo dadka isku dacwooda oo la hakiyay isla markaana diirada la saaray qaar ka mid ah wadamada Islaamka waxaa  meelo badan laga celiyay qaxooti iyo dad soo gali lahaa Mareykanka waxayna noqotay arin saamayn weyn ku yeelatay dadka Soomaaliyeed oo ah Bulsho ay kala geeyeen colaado sokeeye.

Walwalka kale waa qaar kamid ah sharciyada lagu joogo Mareykanka oo aan kuu aqbali karin in aad dalka ka baxdo sida  sharciyada, I-94 Green Card iyo sharci walba oo ka hooseya Baasaboorka, hadaa dalka ka baxdo kuma soo laaban kartid.

Arintan waxay aad u gil gishay Mareykanka oo ah dal ay dadkiisu yihiin inta badan Soo galooti iyada oo meelo badan ay ka socdaan banaanbaxyo looga soo horjeedo arintan.

Waxaa faah faahin buuxda aad ka helaysaa muuqalkan Hoose oo ay ka hadlayaan Masuuliyiinta Hay’adaha qaxootiga soo dhaweeya, Kuwa Jaaliyada iyo Barayaasha Jaamacadaha oo dhamaan ka digaya cawaaqib xumida arintani leedahay.

 

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement