Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo la doortay

Muqdisho-( Rajonews )-Waxaa goordhaw xarunta Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya lagu doortay Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka sare ay ku tartamayeen ilaa 7- Musharax oo katirsan Aqalka sare.

Doorashada oo aheed mid iyana xasaasi ah ayaa gaartay ilaa sadex wareeg, waxaana wareega ugu dambeeya isugu soo haray labo Musharax kadib markii Musharaxiintii kale ay ku hareen labadii wareeg ee kale.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka sare ayaa waxaa ku guuleestay Xildhibaan Mowliid Xuseen Ghaad oo helay codad gaaraya 28-cod halka Xildhibaan C/Kaafi Macalin Xasan uu isna helay codad gaaraya 24.

Xildhibaanada Aqalka sare ayaa maanta si rasmi ah u doortay Gudoonkooda rasmiga ah, waxaana la filayaa Xildhibaanada labada Aqal in ay doortaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee waxaa maanta soo dhamaatay Doorashada Gudoonka Aqalka Sare ee dalka, iyadoo wixi hada ka dambeeya laga war sugayo doorashada Madaxweynaha.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement