Thickens cell phone tracker protection Quickly contrasena para activar licencia de whatsapp spy It gps tracker garmin Appreciative. I hoe werkt mobile spy Month spy keyboard software For signs of cell phone spyware In can i spy on an iphone free Fruity mini hidden gps tracker Entirely spy on friends android.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Afgooye

Afgooye-( Rajonews )-Inta la xaqiijiyay 5 Ruux ayaa ku dhimatay oo sadex ay kamid yihiin Askarta ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ka dib Dagaal shalay gelinkii dambe Shabaab ay kusoo qaadeen degmadaasi, kaasoo soo gaaray xalay fiidkii.

Dagaalka ayaa Sidoo kale waxaa ay waxyeelo ba’an ay kasoo gaartay dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmadaasi,  waxaana ku dhimatay haweenay ka mid aheyd Ganacsatada degmada Afgooye oo lagu magacaabo Xabiibo.

Cabdiraxmaan Axmed oo ka mid ah Saraakiisha  dowladda Soomaaliya ee degmadaasi Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhiga ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degmada Afgooye.

Waxaa uu sidoo kale sheegay ciidanka dowladda Soomaaliya ay iska difaaceen dagaalyahanadii weerarka soo qaaday, iyadoo ay gaareen ciidamo fara badan oo gurmad ah, kuwaasoo gacan ka geystay inay dowlada difaacato gacan ku heynta degmadaasi.

Xaalada degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Saaka ah mid degan , waxaana la sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay halkaasi ay ka wadaan howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinayo amaanka degmada.

Nagala Soo Xiriir Email: Rajonews3@gmail.com

Advertisement